diinta islaamku waa diin naxariis iyo ciqaab ku dhisan. waa diin isu dheeli tiran oo dhamystiran. waa diin qof walba deeqda oo uu qof walba ku dhaqmi karo. waa diin wax walba oo saxanna na farysa wax walba oo xunna naga reebysa.
ku dhaqanka diinta waa sharaf aduunyo iyo aakhiraba. fulinta axkaamta diinigaana waa naxariis ummada oo dhan bey naxariis utahy. sababtuna waxy tahy haddi qofkii khalad galaba la ciqaabo oo laga joojiyo khalad kaa iyo gafkaa uu galy waxaa badbaadaya dad badan oo kle.
kii wax dila haddi la dilo kuwa rabay iny wax dilaan baa ku quusanaya .haddi kii wax xada gacanta laga jaro kuwa kalaa ka jooga . sidaas ookle qof walba oo ogaada in ciqaabtiisa la marinayo waxa xun oo uu damacsanyhy wuu ka joogi.
haddi lkn axkaamta la ga tago oo diinta la dayaco oo aan waxba laga soo qaadin waxy nafaryso iyo waxy naga reebyso ba . waxaa ka dhalanaya fasaad iyo is dhex yaac iyo naxariis la aan iyo dil iyo dhac iyo kufsi iyo xumaan is daba joog ah.
waana waxa maanta ummadda hysta. waxaad maqli caruur inta la kufsado haddana la dili. waxaad is weydiin xagee ooga timid dadka naxariis la aantaa iyo geesinimadaa?
waxaa dhiiri galaniya dadkeena waa ogaanta uu ogyahy qofku inaan cidna ciqaab marinyn. wuxuu ku tiirsanyahay oo difaacaya reerkiisa iyo qabiilka uu ka dhashy. mana fiirinayaan qofkaan xumaanta uu sameeyey iyo sida uu dadka iyo dalkaba khatar ooguyahay.
somaliya waligeed inty saas tahy ma hagaagyso khyrna kama soo socdo. haddan dowlad iyo dadnimo rabno waa inaan diinta ku laabana oo dadka xunxun abaalkooda marsiinna oo aan mufsid walba loo nixin ee wuxuu mutay la marsiiyaa.
dadka masaakiinta habaarkooda iyo qyladhaantodana waa in la iska ilaashaa. waayo ilaahy ducadooda ma celiyo ee wuu aqbalaa.
ilaahy gabdhaheenna iyo wiilsheena iyo dadkeena ha noo hagaajiyo oo ha noo xifdiyo. wixii shar doon ah na allaha halaago. amiin
والسلام
No comments:
Post a Comment
شكرا على التعليق