Monday, March 11, 2019

aadaabta waxbarashada

cilmi doonistu waa waajib diini ah oo qof walba oo muslin ah saaran. waxaa qof walba waajib ku ah inuu wax uu xalaasha iyo xaaraanta ku kle sooci karo barto.qofkii intaa kasiibadsadana waa khayr aduun iyo mid aakhiro.

islaamku wax walba qaab iyo jid loo maro buu u sameeyey. hadda wadaadaa umarto dantaada waad gaari.. haddi kalana waligaa meelna ma gaaraysid.
waxyabaha cilmiga fududeeye ama xasiliya waxaa kamid ah :

1- cashirka oo aad soo akhrisid intaadan iskuulka ama machadka ama madarasda ama jaamacada aadan tagin.. oo uu qofku isku dayo inta ugu badan oo uu fahmi karo inuu fahmo. si hadhow su aalaha uu macalinka weydiinayo miizaan u lahaadaan. oo uu sifiican cashirka oola socdo. haduusan lakin waxba soo akhrin wey adagtahy inuu wax badan fahmo.

2- cashirka marka uu socdo inuu sifiican u dhagaysto oo uusan wax kale ku mashquulin. macalinka hadduu sabuuradda wax ku qorayo waa inuu sabuurada eegaa haddi kalana waa inuu macalinka wajigiis fiiriya oo uu dhag raariciyaa.

3- marka uu xaaafadiisa ku soo laabto , waa inuu cashirkii marar badan ku ceshaa ilaa uu maskaxdiisa ka galo oo uu sifiican u fahmo.

4- waa inuu qofku wax walba oo cilmiga xiriir la leh ixtiraama. hady macalinka tahy haday bugaagta tahy hadday ardyda tahy haddu qalinku yahy.. wax walba iyo qof walba oo cilmiga xiriir la leh waa inuu ixtiraamaa oo xushmeeyaa.

5- islaweynida iyo xishoodka uu qofku suaasha macalinka kala xishooda labaduba cilmiga bey qofka ka hor istaagaan.

6- waa inuu qofku cilmi baaris joogtaa sameeyaa oo uusan wixii loo dhigay bas uusan ku gaabsane wax kle baara.

7- waa inuusan cilmiga imtixaan bas u barane , waa inuu nolol iyo mustaqbal u arkaa.

8- waa inuusan cashirka ka soo daahin oo uu san macalinka ka soo daba galin oo uusan fasalka ku dhex sheekayn oo uusan aflagaado iyo xumaan la imaan.

9- waa inuu muuqaalkiisa hagaajiya marku cilmiga raadinayo.

10- waa inuu cilmiga meesha oogu fiican ka raadiyaa. waa inuu culumada iyo dadka aqoonta leh lafadhigooda badsadaa. waa inuu wuxuu barto dadka sii baraa.. waayo cilmiga mar walba oo uu qofku sii faafiyo wuu kordha.

والسلام

No comments:

Post a Comment

شكرا على التعليق

كن شجاعا ....

. الشجاعة محمودة و الجبن مذموم . يطلب من الانسان أن يكون شجاعا في أقواله و أفعاله و حركاته و سكناته و عزائمه و تفكيراته و تدبيراته. الشجاعة ...