Friday, March 1, 2019

Qabyaalad

ilaahy subxaanahu wa tacaala wuxuu quraankiisa ku sheegay inuu naga dhiga qabiilo iyo kooxo.. sababta uu saa nooga dhigayna aytahy oo kaliye si ay dadki isu gartaan oo qofka reerkiisa loo aqoonsado.

yacni qofka in nasabkiisa la xifdiyo oo haddi wax ku dhacaan ama uu asagu gaf galo loo soo raadiyo.. waayo qofka haddan reekiisa la aqoon wey adagtahy sdii loo helaa.
qabiilka ilaahay marnaba uma samayn in la isku naco ama la isu dilo ama dulmiga iyo xadgudubka la isugu hiiliyo . waxaasoo dhan ilaahay wuu xaarantimeeyey rasuulkiisuna (s.c.w) sidookle wuu xaaraantimeeyey.

qofkuna waa inuu ogaadaa in sharafto aysan qabiilkuu ka dhashan ahyne , aytahy wuxuu asagu sameeyo. qof camalkiisu la harayna qabiilkiisu ma hormarinaayo.
islaamkuna wuu xaaraantumeeyey dulmiga iyo dulmi u hiilintaba. rasuulka (s.c.w) wuxuu yiri ""  ilaahy ha lacnado qofkii qof daalim ah uhiiliyo ama hoosta gashta"" . wuxaa ka koloo soo arooray.. in qofka walaalka ah aad uhiiliso haddu gardaranayhy iyo haddi laga gardaranyhyba.. markii nabiga (s.c.w) la weydiiyey see oogu hiiliyaa haddu gardaranyahy.. wuxuu ku jawaabay dulmiga ka qabo..
ilaahay wuxuu xadiith qudsi ah ku leeyayhy  . adoomahaygiiyow dulmiga naftydaan ka xaarantimeeyey adinka dhexdiinana xaaraan ban ka dhigay ee ha is dulmina.

dulmi ka weyn majiro in qof dambiilaa oo danbigiisu cadyahy loogu hiiliyo waa reerkeena oo kaliye. taasi waa jeesjees lagu jeesjeesayo kitaabka alle iyo diinto dhanba.. diinteenu ma qabto wax kala fadlid ah ama kala sarayn ah dadka dhexdooda alla ka cabsi mooyaane.. taas uun baa lagu kle sarayn karaa bas. qof walba oo dambi galana waa in la ciqaaba si uu amnigu iyo xasiloonidu usugnaato.
haddi saa la samayn waayo oo cadaalada iyo qabyaalada lakale saari waayo. waligeen dullinimo iyo ayaandaraan kujirayna.. waayo hadaa adigu kaagi wax qasay aad qaban weydo oo aad dadka ka reebi weydo.. kuwa kalana bari kii adiga wax kuu gaysta saas bey u galayaan.. saas beyna ku soconysaa waligeed. cidna cid cadaalad uma samynyso. haddi cadaalad la waayana raxmaddii rabbi baa meesha ka bixi hadday ka baxdana cadaab aduun iyo mid aakhiraan kujiraynaa.

mida kale qabiilka nin wax foolxun oo waligood lagu caayo u soo jiiday oo ilma yar oo aan xitaa wali qaangaarun intu kufsaday hadana dilay oo jarjary.. hadday kaas iska fogayn waayaan. ayagay ceeb aduun iyo tu aakhira kutahy.. annagu waxaa moodaa xitaa qayaaladdi nacasnimaa naga haysata oo maba garanyno maxaa lagu faanaa maxaase laga faana.wax qurun ah oo aan dadnima lahayn inaad sharaftaada iyo karamaadaada hoos oogu dhigto waa ayaan darro iyo dullinimo.

ha la ogaado.. ninka ficil kaa sameeyey iyo kan uhiiliya oo difaaca waa isku dambi waana isku nooc. hadaa gabar yar oo la dulmiyey aad kuwii dulmiyey u hiilisid , waxaa doontid oogu hiili , adaa kaa dulmiyey ka daran oo ka xayawaansan.. waayo asaga shyadaan baa howshaa ku khasbay adna raali ahaanshaaga ku gashay.. lagayaaba inuu asagu ka xumaado oo ay foolxuma la noqoto wuxuu sameeyey laakin adigu waad ku faraxsantahy waxaa dhacay waadna u dagaalamysa.
dowldi nooma dhalnyso mana istaahilno intaan qabyaalada iyo qurun ku dhex jirno. dadku mar bey waantoobaan oo is gartaan oo wixii khaldan saxaan.. annagu goormaan intaa qurunka ka tagno isi saxynaa oo dadka aduunka la tartamynaa oo nafteena iyo dalkeena wax uqabanynaa???
somaalidu waxay u hysataa sharaftu inay tahy qabiilka uun.. qabiilkaagu cunna kuma siinayo aakhira iyo adunna waxba ku tari maayo hadaadan adigu shaqysan.. lkn ree hebel ban ahay bas .. wallahi oo billiahi beysan waligeed meel ku gaynayn .. kuwaad ku faanysid baa bari kugu tuman doona.
qofki caqli leh reerkiisa kor ha uqaado oo waxa saxanna ha faro waxa khaldan ha ka reebo jannana ha u ka xeeyo jahannaman ha ka fogeeyo.

qabyaaladu waa qurun ee dadkaygiyoo caqli yeesha  dhib intaa inuu kufilan .wad dhimateen wad gaajooteen waad qaxdeen amni darra meel walba ini hysata .  ka waantooba waxaad kujirtaa rabigiin unoqoda ilaahiina ka cabsada. dulmiga iyo daalimiintana aan iska qabanno.. dalka iyo diintana aan wax walba ka hormarinno.
والسلام

No comments:

Post a Comment

شكرا على التعليق

كن شجاعا ....

. الشجاعة محمودة و الجبن مذموم . يطلب من الانسان أن يكون شجاعا في أقواله و أفعاله و حركاته و سكناته و عزائمه و تفكيراته و تدبيراته. الشجاعة ...