islaamku waa diin nxariis iyo qaab nololyd dhamystiran ku dhisan. waa diin wax walba oo fiican nafaraysa wax walba oo xun na dadka ka reebaysa. waa diin masaajid iyo kursiba ku dhisan. waa diin qofkii hormar iyo nolol wanaag iyo janno iyo jecyl aduun iyo mid aakhiro iyo inuu caalamka hogaamiyo doonaya ku filan. oo uusan wax kale ubaahnyn. waa diintii diimaha oo dhan kulmisay oo wax walba oo ka horeeyey qirtay wax walba oo ka tageen na dhamaystirtay. waa diinta uu ilaahay yiri ( إن الدين عند الله الإسلام) oo macnaheedu yahay"" diinta ilaahay agtiisa maqbuulka ka ah waa islaamka". waa diinta uu ilaahay carabtii waaga jahliga iyo dulmiga iyo dulliga kaga soo saaray ,oo uu kadhigay ummadda ummadaha hogaamisa ee horseedda qayb walba oo nolosha ka mid ah. diintana waxay noo sheetay balanqaad ah , in qofkii ku dhaqma uu aduun iyo aakhiraba guulaysanayo qofkii ka leexdana uu aduun iyo aakhiro seegayo. waxay noo sheeegtay in cizziga iyo sharaftuba ay ku dhaqankeeda kujiraan , dulliga iyo hoos udhacuna katagideeda iyo gadaal marinteeda kujiraan. waxaa laga wariyaa cumar( radiyallahu canhu) inuu yiri " waxaan nahay dad ilaahy diintaan sababteeda ku sharfay hadaan sharaf waxaan ayada ahayn ka raadinana ilaahay wuu na dulleyn." allaha unaxariistee inuu xaalka maanta aan kujirno ka hadlayaya ma moodaa.
wadciga ama xaalada aan maanta kujirno waxaan kafiirinaynaa dhowr meelood oo kale duwan:
1- xagga diinta iyo ku dhaqankeeda:
waxaa ayaan darra ah, in ku dhaqanka diinta iyo barashadeedu ay sii yaraanayso maalinba maalinta ka dambaysa oo ay dadku diintii ka sii fogaanayaan. maasjideeni waa cidlo suuqeeniini habeen iyo maalin waa buuxaa. madaaristi waa cidlo iskooladdina way buuxaan . xalaqaadkii iyo dhagaysigii dusruusta masaajidda lagu dhagaysan jiray wey sii dhamaanayaan. waxaan ka cararyna astaamha dadka diinta leh lagu garto , haday tahy xijaabkii hady tahy garkii haday tahy runta sheegideedii haday tahy xaraanta iska ilaalinteedi hady tahy ku camal falka kitaabka alle iyo sunnada rasuulkeena(s.c.w). waxaan usii dhawaanaynaa oo aan dhaqan ka dhiganay qolo ilaahay nooga digay inaan raacno ama lamid noqono ama aan hab nololeedkooda aan qaadanno. waxayaabha caanka noqday waxaa kamid ah, in aan diintii ka xishoonno sheggideedi si aan daka uraali galino, taasina waxxay ku kalifta dadka qaar inay xaaranta xalaashadaan oo xalaasha xaaraantimeeyaan ,oo ay quraanka iyo xadiithka aflagaadeeyaan , sababtuna waa ama shilimaad ama kalsooni iyo raali ahaansho aan ka raadinayno gaal iyo ree galbeed.. arintaasina waa dambi aad iyo aad uweyn iyo ayaan darro. waayo inaad ilaahygii ku abuurtay warkiisa intaad diido banii aadam asaga ku gaaloobay warkiisa qaadato waa dhaqan xumo iyo nassiib darro. qaar dadka waxaa ku kalifaya arintaas ama inay sida gaalad udhqmaan , waa cilmi la aan ka haysta xagge diinta. dad badan oo dinntooda jecel baa jira, haddana aan xalaasha iyo xaaraanta kala saari karin, dad qaarkooda waxa kaliya oo ay islaamka ka haystaan waa in magaca moxammad loo bixiyo bas.
wadcigeeni diineed aad iyo aad buu u hooseeyaa , oo dadkii laba uqaybasmeen ama sadex:
1- qayba diinta jecel kuna dhaqanta faafisana. qaybtaa na aad iyo aad bey uyartahy.
2-qayba diinta ka soo horjeed oo 24 saac duraysa oo quraanka iyo xadithkaba aflagaadaynaysa.'ayagu kuwa hore way ka badanyihiin.
3-qayb diinta jecel laakiin aan wax badan ka aqoon oo waxa ay tv ga ama baraha bulshada ka rkaan uun raaca. waana sida aan ubadnnahy maanta. qaybtaan baa wali sii kala baxda
1- kuwa dinta dad khladan ka dhagaysta kadibna aragagixiso ummada halaagta isu badasha.ama caqlaaniyiin aan caqli iyo xishood iyo diin midna lagu arag isu badalaan.. oo ay shaqadooduba nqoto inay diinta uun caayaan, ama ay bidcoolayaal diinta waxaan kujirin ku soo dara noqdaan. ayagoo dhan diinta gaalada cad wey kaga daranyihiin.
2- iyo qola diintooda iyo tan kristaanka kala saari weyda.
waxay doontaba ha ahaatee wadciga iyo kala tagsanaanata iyo is khillaafka iyo is duridda joogta da ah ee aan kala goayn, iyo diin iska saaridda iyo isku khilaafka wax yar iyo wax weynba aan isku khilaafsannhy ,waa wuxuu nabigu (s.c.w) noo sheegay noogana digay. wuxuu noo sheegay in ummadana ay 73 firqo ama kooxood ay noqon doonto , mid ma ahane intooda kale ay halaagsmayaan.( ilaahay waxaan weydiisanaynaa inuu taa naga mid dhigo).wuxuuna sheegay markii la weydiiyey waa tee taa "" waa midda ku sugan waxa aan aniga iyo asxaabtaydu ku sugannahy".
khilaafkuna sidiisaba waa labo:
1- wax caqiida ah oo quraanka iyo axaadithtuba ay sheegtay oo aysan cidna mugdi kaga jirin inuu yahay. hadday saa tahy waa in qofkii khaldnaa la saxaa ummadana laga qabtaa haddu khaladkiisa faafinayo.
2-in la isku khilaafoo furuucda diinta iyo qaabka laa soo daliishanayo axaadithta. taasi waa tan maant oogu badan oo taagan, wax kala tag ahna ma mudna badanaa.. waayo axadiithta qofba sibuu ufahmi karaa , o xitta saxaabadii baa isku khilaafay axaadith qaar , diinteenuna waa diin waasic ah oo aan xaraj lahayn. marka haddan waajibnimada salada isku waafaqsannhy inaan (gacmaha kor ma loo qaadaya mise maya ) ku kala tagnaa ma aha. ikhtilaafkuna ummad raxmad buu uyahy.
waxyaabahii hoose intaan ku mashquulsanany oo aan is eedaynay bey gaaladdi mashquulkeena ka faaiidaysteen oo ay dadk wixii ka waaweynaa ka fogeeyeen. hadhow markaan soo jeensanna mise masaajidiiba waa faaruq......wadcigeena diinigaa maaanta xagaas buu marayaa. wuxuu marayaa in qofku uu ka cararo in la dhaho diintuu ku dhaqmaa oo jecelyahay.. wixii shalay aaman iyo karaama aan ka dhgianay maanta cay bey noonoqotay..
suaasha is weydiinta leh waxay tahy mrka .. maxaa is badaly tolow ?? ma diinteenaa zamanka la socon karin mise annaga ka fogaanay oo ilaahay baa na imtixaanay? yaase sabab u ah in aan maanta wax kaste inataan iska daynno aan diinteenii iyo quraankeenii iyo nabigeeni (s.c.w) aan aflagaadayno?.. waa suaalo loo baahanyahy qof walba oo wax bartay inuu is weydiiyo jawaabtana uu intuu ka qaban karo ama ka sixi karo ka qabtaa oo ka saxaa..
aniga aragtidayda gaaban waxay ila tahay ka fogaanshaha waxaa sababta koobaad u aha .. waa annaga lafteenna , ka shacab ahaan , waxaan jeclaysannay aduun aakhiranna waan ilownay, ka dowlad ahaan na si cad baan kitaabkii intaan tuurnay dastuur uqaadannay.. shaki kuma jiro in ay gacan shisheeye naga dhex shaqaynayso, laakin ninna kuma jabin karo hadaadan adigu is jabin.. ayagu cad uun bey noo tuureen annaguna kiibaan ilaa hadda isku haysanna.diinteenuna ilaahay baa dadka o dhan iyo zamanka oo dhan ilaa qiyaamaha usoo dajiyey.. waa diintii diimaha lagu khatimay. wax ka dambeeyana majiraan .saas darteed in la dhaho diintu zamanka lama jaanqaadi karto sida ay kuwa cilmi isku sheega dhahaan, waa gaalnimo iyo dambi weyn. eedu waa annaga ee diinteenu waa macsuum o wax khalad ah haba yaraadee ma lahan.
intaasi waxaan ku yara tilmaamanay xaaladda diimeed ee aan maanta kujirno.hadda waxaan wax yar ka taabanaynaa wadciga xukunka ama dowladnimada ee aan kujirno.
2- xaaldeena xukuumadeed:
islaamku wuxuu na baray qaabkaan isu maamuli lahayn oo aan kuwada noolaan lahayn oo aan kuwada dhaqmi lahay. wuxuu nafaray oo rasuulku (s.c.w)nooga tagay wax la yiraaho khilaafa. o ay tahy in muslmiinta aduunka meel walba oo ay joogaan hal meel ay ka amar qaataan oo hal meel uwada jeedaan... arintaasi waxay sabab u ahayd faafidda islaamka iyo isku xirnaanta muslimiinta..arintaasi waxay socotay ( ama si dhamaystiran ama si aan dhamasytirnayn laakin la aqoonsanyahy) ilaa qanigii 20naaad... markaas bay si rasmi ah u daba goday oo aay dhumaatay... kadiab waxaa aasaasmay ama awalba jiray oo xoogaystay wax uusan islaamku aqoon.. dowlado kala xuduud ah oo kala dhaqan ah oo aad moodo markad aragto say udhaqmayaan ama cadawada ka dhaxaysa inaysanba isku diin ahayn oo ay laba diin kala wataan..
arintaas waxaa qaybta oogu weyn iyo raadka oogu weyn kulahaa laba qolo:
1- guumaysigii calaamul islaami oo dhan wada qabsda ama badankiisba. gumaysigu sidiisaba ilaaa maanta wuxuu noga tagay qaacido uu nagu qabsady .. qaacidaadsi waxay tahy (فرق تسود) yacni kala kaxee kadibna maamul.... muslim walboo caqli leh maanta wuu garanayaa dowlad kaste oo islaami ah waxaa hogaan keeda haya oo ay kutiirsantahy ,waa ree galbeed iyo gaalo.. marka muuqaal ahaan guumaysi kuma jirno laakin markii dhabta iyo xaqiiqda laga hadlo, wali waan kujirna oo waliba maalinba maalinta ka dambeysa waan kusii xeel dheeraanaynaa..
2-qolada labaad ee kuwa koobaad gacanta midig u ah, waa munafaqiin calooshooda u shaqaysta yaal ah oo aan diin iyo dad toona dan kala hayn ee muhimmadoodu uun clooshooda iyo jeebkooda tahay. kuwaasina waa miro ay nagu abuurayn kuwaa hore oo ay hadda goosnayaan meel walba..
labadaa qolo marka waxy meesha ka saareen khliffadii ahayd sharafta iyo karaamda ummada islaameed.. waxy meesha soo galiyeen kala tagsanaan iyo khilaaf iyo nacayb iyo gaalo soo dhawaynsho aan kala joogsi lahayn.. meel walba muslimiintii baa ku dhiban, dal iyo dibdadba.. gaal iyo muslinba wey dullaysanayaan.. lagama yaabo mid inuu midkale xitaa hadal oogu hiiliyo.. haddu sameeyana qolada koobaaad oo dhalcayn iyo wareer ku soo qaadaya waa walaahiisa kale ee muslimmintaa..
waxa aad iiga yaabiya markaan arko muslin gaal muslin kale u adeegsanaya.. ilaahayna wuxuu yiri ( إنما المؤمنون إخوة قأصلحوا بين أخويكم) taasi oo ay macnaheedu tahy " shaki la aan muslimiintu waa walaalo ee walaalihiin dhexdooda hagaajiya".. aayadaa hadaa ufiirsato waxay ka hadlaysa wax maanta naga maqan.. haddy sadax walaala ah ay jiraan oo ay laba is khilaafto waa inuu kan sadexaad kala dhex galaa. ma han inuu cadow sadexdooba nicib soo dhex galiyaa kadibna ay wada halaagsamaan... maanta gaal walba oo wadan muslin ah duulaan ku soo qaada wuxuu wata ama ciidan kale oo muslin ah ama lacag wadan muslin ah leeyahy.. waaan xaaraan gaal kaa xoog badan inaad gaal kale u adeegsto iska daa musline.. nabigu (s.c.w)niman gaalaa oo rabay inay dagaalkii uxud kala qayb galaan wuu celiyey wuuna diiday.. bal kawaran inaad aduu islaam sheeganaya aad adoo muslin ah xaq darro duulaan oogu qaado oo aad waliba mid labadiinaba raba inuu ini tirtiro soo adeegsato oo markuu asaga baabiyo adiga ku burburiya... culammad islaamku wey ka digeen arintaa xilligi iraaq la weeraraye .. qaarkood xabsi baa lagu tuuray qaarna waa la aamusiyey.. kuwii ogaaladayna dadkaa culuma looga dhigay.. hadday maalintaa culumadda hadlkooda yeeli lahaayeen maanta ciraaq saas ma haateen.. meel walba oo aad fiirso dulmi baad arki.. dadki muslimiinta ahaa wax gaal ooga daran baa ku dhacay.. waayo gaal waad iska celin kartaa laakin mid kula diin iyo dhaqan ah maxaad ku samayn??? qola intay xukunkii xaaraan ku qabsaaty dadka iyo dalkaba haleeyey ,oo qofkii hadal dhahaba xabsi iyo dil ku xukumaya ama musaafurinaya , qolo aan mid weyn ixtiraamayn mid yarna u naxariisanayn ummadana yahuud ooga daran. qola xitaa dadkii ay diintu na fartay inaanan taaban xitaa hadday gaala yihiin ku tumanaysa oo aan wax naxriis ahba ilaahay qalbigooda galin.. dumarkii wey dhibanyhiin oo culumaddi iyo wax garadkii inta ka soo harta ama wey baqayaan ama dowlday raaceen , madaaristii il adag oo bilaa edab ah baa lagu hayaa.. xijaabkii akhlaaqdii axkaamtii islaamka oo dhan dagaal baa lagula jiraa.. haddi qofka kaniisad lagu arko waa caadi laakin hadddu masaajidka la saaxiiboo waa dambiile argagixisaa...
wax walba wey fooraraan.. mar walba oo aan is iraahdo bal ufiirso xaaldeena wallahi madaxaa ixanuuna.. quusiddu ma fiicna mana banaana laakin mar mar dantaa kugu khasbaysa... dad aan salaadba saxayn markay dadkii daka salaada barayey xirxiraan oo ay dilaan ama gaala gacanta ugaliyaan ama taldooda intay ka baxaan ummadda halaag usoo jiidaan...xagee nasri ka imaan.
wadamada islaamka ahi waxay kujiraan wadamada aadka iyo aadka qaniga u ah.. oo ilaahay khayr iyo barakoo dhan ku aasay.. waxaan garan la ahay gaal aan waxaasoo dhan haysan sababta uu noo maamulayo.. annaguna aan khayraadkeena intaan walaalheen u diidno ama ka dhacno aan isaga u siinayno..10 kii sanoo la soo dhaafay bas muslimiinta malaayiin baa dhintay oo ay dileen kuwii maamulayey. malaayiin ba qaxay oo gaal nicib hoosta inay u galaan dantu ku khasabtay... malaayiin baa gaajo iyo rafaad u baabay... inta soo hartaynna cabsi iyo walwal iyo naxdin baa haysta.. calaamul islaami maanta wuxuu khilaafa iyo isku duubnaan kaga baahi badanyahy majirto.. dadku waa inay indhaha kala qaadaan oo ay dulmiga gartaan oo ay iska daayaan dareenka ah " kaas bey haystaaye aniga maxaa iga galay"ogow maadaama aad isku diin wadaaagtaan cadowgiinu waa mid .. asago waa ogyahy wuuna inii jeedaa laakin adinka maxaa aragga iyo caqliga ini ka qaaday waa yabe?? anigu hala kaco oo amniga ha la khalkhaliyo uma jeedo, laakin waxaan leeyahy ugu yaraan markaan wax dooranayno yaaanaan nafteena uun eegine qof dadka oo dhan anfaca aan dooranno.. waayo doorashadu waa amaano hadaad khiyaamaysid ama aad reer wax ku dooratidna aakhiro adaa lagu weydiin.. maamulayaasha waxaan leenahay ilaahay ka baqa.. oo dadka iyo dalka unaxay..oo taariikhdiinna hal mar gadaal u eegga iyo awoowayashiin say ahayaan iyo sharaftii iyo karaamadii kujirtay..
gaal waxba nooma hayo umana baahnine ha ku mashquulina.. ama diin ku dhamqma ama ugu yaraan wadanimo ku dhaqma.. maxaa labadaba ini ka qaaday?? qof caqli leh seebuu dadkiisa ulayn oo dalkiisa dhisan uburburin?? waxaasi waa xayawaanimo ama ka daran. oo aan run ahaantii ilaa hadda fahmi la ahay..dadka maanta jooga khilaafa inay soo laabato wey ka quustayn, qaar yar moyaane..sababtuna waxay tahy dad xuquuqdooda tii yarayd iyo tii weyneedba loo diiday wax kala kuma fakari karaan.. wadan walba oo islaam ah maanta gaajo iyo rafaad iyo dowlad xummo iyo dhaqan xumaa kajirta.. gaaladii horay usocotaa anaguna gadaal ban usoconna.. dadkeeni waxay tusaale ka dhigteen gaalada iyo hormarkooda saas darteed diinta iyo siyaasadeeda wanaagsan waxba kama garanayaan. waayo waligood ba dhaqan wanaagsan iyo siyaaasad fiican ma arag.. cilmaaniyad iyo munaafaqiin baa ummaddi ku habsatay. meeshii laga rabay in gaaladu islaamka ka baqdo annagiibaa ayagii ka baqayn gaalkiina aaminany.. ayaan darro kaweyn majirto in dad muslimiin ah ay intay wadan muslin ah ku dhashaan oo ku wynaadaan dulmi dartii dal gaalaa utagaan,... wallahi waa ayaan darro iyo qaracan... waagii hore gaaladu inay wadmadda muslinkaa tagaan wey ku faani jireen.. haddana annagii baa ka faanna inaan wadan muslin ah sheeganno... ilaahayoo adaa weynoo waaxidee muslinka isu keen oo cizigeeni iyo sharafteenii noo soo celi...
waxaann naftayda iyo muslimiintaaba kula dardaarmayaa inaan ducada badinno oo ilaahay ka baqno .. oo naftenna iyo reerkeenna dacwada ka bilowno..waayo mujtamacu iyo dowladuba waa dad isu tagay..marka qof walba waa inuu naftiisa hagaajiyaa.. waayo ilaahay dad aan ayagu is badlin waxba kama badalo.. hadaan annagu ilaahay u soo laabanno ilaahay dulimiga wuu naga qaadi.. hana la ogaado maamulada daalimiinta waa ciqaab xag alle nooga timid , sabatuna waa dulmigeena iyo macsiyadeena iyo xumaanta aan kujirno.. zinadii, khamrigii, tuugnimadii, argagixinimadii, balan ka bixii iyo dhaqan walba oo xun iyo dambi kaste oo weynba waan dhex dabaalnaynaa.. xagee raxmad ilaahay ka imaan markaa??? qori ma rabno maanta ee qalin iyo minbar baan ubaahannahay.. hadaan nafteena badalno dalkeeno iyo calaamkeenaba waan badali karnaa..
dowlada iyo madaxweynayaashana waxaan oogu baaqayaa inay ilaahay ka cabsadaan , oo ay xadiithkii rasuulka xasuustaan (s.c.w) uu yiri (كلكم راع و كلكم مسئول عن رعيته فاإمام راع و مسئول عن رعيته)oo macnuhu yahay " mid walba oo ini kamid ah waa masuul iyo maamule ilaahayna masuuliyadda wuu weydiin, imaamka iyo xaakim waa masuul " wuxuu masuul kayahay dadka ilaahay xukunka oogu dhiibay.. haddu u ixsaan fallo aduun iyo aakhiraba wuu liibaani , haddi kalana dadka oogu horeeya oo naarta galayuu ka midyahay.. marka hadda naar doonayso dadka dulmi , hadda janno iyo magac wanaagsan rabtana dadka xaquuadooda sii... ILAAHAY XAQQA HA NA WAAFAJIYO. AAMIIN
3- dhaqankeenna:
waxaa ayaan darraa, inaan diinta aduunka oogu wnaagsan aan leenahy , dahqankeennu galaada ka liito, xitta mar mar xayawaanka ka liito.. xlaashii xaaraan bey noqotay xaaraantiina xalaal bey noqotay.. maalin dhawayd waxaa la weydiiyey donald trump " see usiisay jowlaan oo dhul muslin ah yahuud miyaad ka baqayn inay dadku kugu kacaan? markaasuu yiri" waagii aan safaaradda intaa tel abiib ka soo raray qudus keenay dadku waxay dhahayn waxbaa dhici doonna oo dadku wey kici donaan, laakin wax dhacay ma jiraan , haddana wax dhici doona ma laha".... ilaah baan inu ka dhaarshaye bal dulli intaa ka weyn xagge lagu arkay.. inuu doqon ay dadkiisu naceen annagoo 1.8billion ah saa noo aflagaadeeyo maxaa keenay? muslimiintu waxay ahaayeen dad ayagoo madiina jooga furus iyo ruum oo labadii dowladood oo aduunka ugu waa weynaa aha dhulka la simay.. waa dadkii inta khaliifadooda loo soo sheegay gabar dharbaaxa lagu dhuftay oo magciisa ku dhwaaqday in ay ruum joogto, oo markaa intuu ciidan kiisa soo kaxaystay magaaladiiba dhulka la simay.. xagee naga aaday karaamaddi iyo sharaftii.. dadka maanta jooga xitaa muslimiinta waxaan muslinka kala kaga kalsooni badannahy gaalka..
aduunyada dadku oogu musuqmaaasuqa badan oo oogu tuugnimada badan oo oogu dhaca iyo boobka iyo kufsiga iyo dilka iyo balan ka baxa iyo iska hadal ka oogu badan baan nahay... waa yaabe ma diinteeniiba la badaly mise annagiibaa waalannay?.. see muslin iyo khaain iyo dhiig cabba qof uwad noqon karaa.. mar kaa dhacday mar labaad..qofku dambi wuu ka dhici karaa.. laaakin in ay wax walba oo xun calaamad iyo summad lagu garto kuu noqoto adoo muslin ah waa ayaan darro iyo wax aad iyo aad looga qaracmo...
dadka waxaa usheegaynaa inaan muslimiin nahay.. markaasaan haddna dhaqan xoolaa oola tagaynaa ama ay naga arkayaan.. markaas bey umalaynayaan inay diinteenu waxaas na farayso.. annagii baaba dadkii diinta ka fogaynayn..muslimiintii waagii hore waa dadki xitaa indha yartii baabisay markay dhaqankooda arkeena a muslimeen...adigu kuwaa iska daaye kuwii muslimmita ahaa baaba inay gaaloobaan qarka usaaran.. xagee usoconna oo xagee nagala haystaa waa yaabe?..
kitaabkii aduunka oogu qiima badnaa baan haysanna, diinta diimaha oogu saraysay baan haysnna, wax walba oo fiican sameeyaa nala yiri wax walbo oo xunna ka hara.. haddanna intan waxaasoo dhan ka tagnay baan waxy ay xitaa gaaladu iskala weyntahy ku dhaqmaynaa.. gaaladiina quraankii bey intay qaateen oo darseen bey qaanuun ka dhigteen.. cadaadla buu ilaahay nafaray xitaa cadowgaagaba ha ahaadee waa xaaraan dulmigu.. haddana cadow iska daaye malaayiin muslimiin ah oo ashahaadanaysaa baa maalin walba la xiraa la na laayaa.. dimbi la aan iyo dacwad dareteed..
dhaqanku wuxuu ka turjmaa dinta aad haysto.. hadday is waafaqaan waa alxamdulillah haddi kale ama adaa khaldan ama diintaada.. islaamkuna khalad iyo nuqsaan labadaba waa ka fogyahy.. marka intaan diinta sharafta ka qaadi lahayn, aan is garanno oo aan ilaahay ulaabanno.. oo aan diinteena dhaqan wanaagsan oo kamaqan majiree ku dhaqanno.
aan tacliimta ku dadaalno.. ilaahay banii aadmaka aqoon inuu siiyey buu ku galadystay.. islaamkuna aqoonta waajib buu ka dhigay.. aqoon fiican uun baan nafteenna iyo dadkeenaba ku hagi karnaa.. caqligu waa inuu xuduuda shrcigaa asago waafaqsan shaqeeyaa.. hormarkaan awal gaarnay haddana cidna naga hortaagan majirto.. laakin waxaan rabnaa uun inaan , annagu tashanno rabbigeenna kutiirsanno.
iclaamku waa inuu ogaadaa inuuyahy hub laba af leh inuu yahay.. ama muslin baa dartees ku halaagsami ama gaal.. diintuna 1400 sanno ka hor bey qaacido udajisay iclaamka iyo wararka.. (إن جائكم فاسق بتيإفتبينو أن تصيبوا قوما بحهالة فتصبحوا على ما فعلتم نادمين) oo macnaheedu yahay " haddu qof faasiq ah war inii sheego hubsada , si iidaan dad khalad wax oogu gaarsiin kadibna aadan ooga qoomamoon". marka war aan la hubin dadka yaan loo sheegin.. iclaamka maanta waxaa moodaa in beenta loo xalaaleeye. wax ay ku hadlayaan waxaad is oran , qofkaani muusan aakhira lahayn horta.. bulshadana meel weyn bey kaga jiraan oo dadku warka ayaga uun bey ka dhagaystaan.. marka waa amaano ilaahay saaray oo lagala xisaabtamayo.. inay dadka iyo dowlada isku diraan ma ahan. inay xaqqa qariyaaan oo ay beenta faafiyaan ma ahan.. waa inay runta iyo xaqqa suu uyahay usheegaan.. haddi kalana messha isaga tagaan. waayo inaad dambi ku dhacdid waxaa ku dhaanta inaadan wax khayr ah iyo wax dambi ah toona u dhaqaaqin.
ciidanka iyo boliisku iyo qola kasta oo difaaca ummada mushaar oogu qaadata, waa inay ogaadaan cidda ay u shaqaynayaan. waa inay ogaadaan inaytahy in shacabkoodu jeclaadaan cadowguuduna ka baqaan. manta muslimiintu waxay dadka oogu nicibyihiin waa ciidmaadoodii iyo booliskoodii.. haddu xaakimku ku faro in aad dadka dulmi ku laysid ha yeelin , xasuusnowna hadalkii nabiga (s.c.w) ( لا طاعة لمخلوق في معصية الخالق)" makhluuq wax khaaliqqa lagu caasinayo laguma raacayo". hadaad dadkiina iyo dalkiina ushaqaysaan aduun ka na ilaahay wuu ina ka farxin aakhiranna janno iyo nimca rabbi buu shahiidku helayaa.. haddi kalana aduunkana nacayb iyo dulli baad kujiri aakhirana dhiiga aad xaq darrada u daadisay baa lagu weydiin...habel baa ifarayna kuma fakan kartid haddaba ogow.
qoraalkaani waa iga naseexo oo aan naftayda iyo walaalahyga muslinka ah aan u soo jeedinayo.. naseexada dhabtaana waa midda xaqqa ka hadasha , meesha laga jiranyahyna sheegta daawadana waxay ka garanayso ka tilmaamata.
wixii sax ah oo aan sheegay waa xag alle, wixii khalad ahna waa naftyda iyo shaydaan.. qofkiii akhriya oo wax ku daraya ama khalad tilmaamaya waan soodhwaynayaa...
والسلام
No comments:
Post a Comment
شكرا على التعليق