Diinta islaamka waxyaabaha ay nafartay waxaa kamid ah inaan ku dadaalno nadaafada iyo is daahirinta.
Nadaafadauna waa mid jirka ah iyo mid ruuxda iyo qalbiga ah. Ama mid muqaalka kora ah iyo mid gudaha qofka ah.
Waxyaabaha nala faray waxaa kamid ah oo na tusinaya nadaafada muqaalka ah. . In nala faray inaan cadayanno oo shalaysanno oo wajiga dhaqanno oo marya nadiif ah ku labisanno oo cadar hadaan heli karno marsanno. Waxaa nala faray inaan muslimiinta xumaanta iyo wax walba oo ay dhibsanayaan ka leexinno.
Nadaafada qalbiga iyo ruuxdana waxaa nala faray inaan ilaahay dikrigisa ku dadaalno oo aan quraan akhriska iyo ducadda badsanno. Qalbigana aan wax walba oo xumaan ah ka ilaalinno. Sida xasadka xanta jaajuusinimada iyo muslimiinta inaan nacno galaadana jeclaanno iyo wixii lamid ah ba.
Qofku waa inuu ogaadaa in labada qaybood ba ay muhiim yihiin.waayo midi waxay xiriir la leedahy ilaahay midda kalana waxay xiriir la leedahy banii aadamka. Saas darteed qofku waa inuu ilaasha labadaba.
Nadaafada iyo is daahirintu waa islaamka barkiis. Arnitaasina waxay daliil utahay muhimada ay leedahy iyo inay waajib tahay inuu qofku ku dadaalo.
No comments:
Post a Comment
شكرا على التعليق