qofka bani aadmakaa ilaahay wax badan buu oogu nimceeyey.waxaa ka mid ah nimcooyinkaas inuu caafimaad siiyey. waxaa kaloo kamid ah inuu daawada iyo xanuunka labadaba usoo dajiyey. ilaahay markuu adoonnkiisa nimca siiyana wuxuu ka doonayaa sadex arimood:
1- inay nimcadaasi ka muuqato.
2-inuu ilaahay ku shukriyo.
3-inuu nimcadaa ilaalliyo.
marka qofka ilaahay caafimaad siiyey waa inuu nimacadaa ilaahay oogu shukriyaa oo uu ilaashaa. waayo haddi wax walba lagu siiyo laakin caafimaadka lagaa qaado , waxaa lagu siiyey kuuma dhadhamayaan. waxaa xadith ku soo arooray " laba wax oo ay dadku ku kadsoonyihiin , cafimaadka iyo furaaqadda". yacni qofku ma dareemo nimcada uu kujiro ilaa laga qaado ama ay nuqsaan soo gaarto. saas darteed shukri waxaa kamid ah , inuu qofku noloshiisa iyo caafimaadkiisa , raaali ahaanshaha rabbi u adeegsadaa iyo wax aduunkiisa iyo aakhiradiisaba anfacaya.
shareecada islaamaka ahi waxay usoo dagtay si qofka banii aadamkaa loo ilaaliyo . jirkiisa iyo caqligiisa iyo ruuxdiisaba.saas darteed baa na loo faray inuu qofku asbaabta qaato ilaahayna tala saarto.waxayaabah ay diintu na fartay waxaa kamid ah inuu qofku wax walba oo jirkiisa dhib u keenaya iska ilaaliyo. qaacidaduna waxay leedahay " inaad is ilaaliso baa ka wanaaagsan inaad is daaweyso".
jirkaagu waa amaano ilaahay kugu aaminay , waana inaad ilaalisaa oo wax walba oo uu ku dhibaatoonayo ka fogaysaa caqliguna waa sidookale. cunna kaste oo xalaal ah inaad cunto khasab ma ahan.waxaadna ogaataa calooshu inay guriga xanuunka tahay. wax aad cuni karto oo aan dhib kugu keenayn cun. islaamkuna wuxuu nafarayaa inaan caloosha sadex uqaybinno.
1-qayb cunna ah.
2-qayb biya ah.
3-iyo qayb neefta ah.
arintaa haddu qofku ilaashana laba waxba wuu heli inshaallah:
1-caafimaad iyo awood.
2-sunnadi nabiga (s.c.w) oo uu ku camal falay.
waxayaaba badan oo ay diintu nafartay baa jira oo ku saabsan caafimaadka iyo siddokale daawooyinka. qofku waxaa fiican inuu waxayabaha wax kaga garanayo. waxaa layiraahdaa al-dibu nabawi..yacni isku daaweynta waxyabaha ku soo arooray axaadithta.
wax walba oo uu qofku uconayo ama cabbayo waa inuu laba arin aad u ilaaliyaa:
1- inuusan iska badin ee uu wax kufilan cunno asagoo baahanna ka kaco.
2-inuu sunnada ilaaliyo.
jimicsiga iyo tababarkuna wuxuu kamidyahy sunnada nabigeena (s.c.w).waa inuu qofka muslimaka ahi noqon qof caajis ah oo ay baruurtu kabadataye, uu noqdaa qof fudfudud oo jimicsada tababartana... waxaa ayaandarra inay maanta muslimmintu dadka aduunka oogu caajisan kujiraan.. arintaasna waa wax laga acuudu bilaysto.
akhirka waxaan naftyda iyo qof walba oo qoraalkaan akhrinaya oogu dardaarmayaa , inuu amaanada ilaaliyo. caafimaadkaagu aduun iyo aakhiraba aduu ku anfacayaa.. qofkii caafimaad qaba uun baa wax soo kordhin kara oo naftiisa iyo dadkiisaba wax tari kara.
و السلام
No comments:
Post a Comment
شكرا على التعليق